31.7 C
Mogadishu
Wednesday, September 18, 2024

U kuur gal xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

ERGEYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA GURMADKA ABAARAHA OO MAANTA U KUUR GALAY XAALADDA CARRUUR AY SAAMEYSAY NAFAQO DARRADII KA DHALATAY ABAARTA, KUWAAS OO LA KEENAY ISBITAALKA BANAADIR.

Muqdisho June, 04, 2022:- Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Nafaqo darradan oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Sababaha ugu badan ee arrintan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maaraynta noloshooda iyo ubadkooda.

Agaasime Fartuun ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Ugu danbayn, Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA ERGAYGA GAARKA AH EE MADAXWEYNAHA JFS U QAABILSAN ARRIMAHA GURMADKA ABAARAHA.

Related Articles

Latest Articles