24.8 C
Mogadishu
Tuesday, February 4, 2025

Ergayga gaar ka ah ee gurmadka abaaraha oo kormeer ku tagay kaamka Garowe

ERGEYGA GAARKA AH EE MADAXWEYNAHA JFS U QAABILSAN ARRIMAHA GURMADKA ABAARAHA OO KORMEER KU TEGEY KAAMKA BARAKACAYAASHA EE GAROWE

GAROWE LUULYO, 15, 2022:-

Ergeyga madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmad abaarah iyo arrimaha bini,aadannimada Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa waxaa kormeerka ku wehlinayay wafdi ballaaran oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada Puntland ee Gargaarka, Tamarta iyo biyaha, Qorsheynta, wasiir ku xigeenka warfaafinta, guddoomiyaha gobalka Nugaal, midka Degmada Dangorayo iyo madax kale.�

�Ergeyga iyo wafdigiisa oo si hoose u Xaal wareysanayay dadka ayaa mid mid ula hadlay in badan oo ka mid ah qoysaska abaaruhu soo barokiciyeen, kuwaas oo si isku mid ah uga sheeganayay biyo iyo baad la’aan. �

Qoysaska ayaa sheegay in inta badan xoolahoodii u le’edeen baad iyo biyo la’aan abaaruhu keeneen halka in yar oo oo xoolihi ka hartay oo qaarkood uu wafdigu arkayna aysan macluul darteed laheyn cad, Caano iyo iib midna taas oo gebi ahaanba meesha ka saartay tiirkii noloshada. ��Qoysaska oo qaarkood intii kormeerka lagu Jiray soo degayay waxaa ay ka sinnaayeen macluusha ka sokoow diif iyo basaas ay sabab u aheyd dabeyl aad u daran oo camuud iyo siigo wadatay oo ka dhaceysay deegaanka oo dhan.

Ergeyga oo cuskanaya damiirka iyo dadnimada ummadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed ee caanka ku ah istaakuleyntu in ay u damqadaan oo gargaar lasoo garaan walaalahooda abaaruhu xoolo-tireen. �

::::Dhammaad::::

XAFIISKA WARFAAFINTA ERGAYGA GAARKA AH EE MADAXWEYNAHA JFS U QAABILSAN ARRIMAHA GURMADKA ABAARA

Related Articles

Latest Articles